Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Somaliya oo garaacday Kenya iskana xaadirisay Sami Final-ka SECAFA U-17

Somaliya oo garaacday Kenya iskana xaadirisay Sami Final-ka SECAFA U-17

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa garaacay dhiggooda Kenya waxaana ay kaalinta 1aad uga soo baxeen Group-ka A oo ay ku wada jireen dalalka Kenya,Soomaaliya,Itoobiya iyo Burundi.

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa 1-0 uga adkaaday kenya oo horay 4-0 ugu soo dhufatay xulka marti gelinaya ee Burundi,bar barrana la soo gashay Itoobiya.

Xulka Soomaaliya waxaa uu sidoo kale bar barro la soo galay marti geliyayaasha sidoo kale Itoobiya oo 3-1 uga badisay Soomaaliya ayaa laga soo celiyay kaddib markii ciyaartooy waaweyn laga helay Itoobiya,waxaana Soomaaliya la siiyay seddex dhibcood iyo saddex Gool.

Sidaas waxaa ay ka dhigtay in Somaliya iyada oo aan la garaacin ay wareegga 1aad ku dhameysatay kaalinta ugu sarreysa una soo baxday afar dhamaadka tartanka SECAFA U17.