Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Somaliya oo kaalinta 2aad ka gashay tartanka CECAFA U 17

Somaliya oo kaalinta 2aad ka gashay tartanka CECAFA U 17

Xulka 17 jirrada Soomaaliya ayaa waxaa ay kaalinta 2aad ka galeen tartanka Bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacay Dalka Burundi.

Wiilasha matalayay xulkeenna ee Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar aad u qiimo badneyd waxaana ay natiijada ciyaarta noqotay mid ku dhamaatay 2-0.

Xulka Tanzania ayaa ka faa’ideystay fursado ay dayaceen wiilasha Soomaalida,waxaana ay labada gool kala dhaliyeen labada qeybood ee ciyaarta.

Garsooraha dhex dhexaadinayay kulanka ayaa labo gool ka diiday Soomaaliya,waxaana ka dhashay muran badan iyada oo mid lagu sheegay garabdhaaf hayeeshee goolka labaad oo uu dhaliyay Farxaan Duqoow ilaa hadda uu kuran ka taaganyahay sababta uu ku diiday garsooraha.

Soomaaliya waxaa ay tartanka ka soo qaadatay Billad  Qalin ah iyada oo horay u soo garaacday Xulalka Ethiopia,Kenya iyo Uganda,Burundina bar barro la soo gaashay.