Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Southampton oo shaqada ka Erisay Mauricio Pellegrino iyo Musharraxeeda Tababarenimo

Southampton oo shaqada ka Erisay Mauricio Pellegrino iyo Musharraxeeda Tababarenimo

Southampton ayaa xalay ku dhawaaqday in ay shaqada ka raacdeysay tababare Mauricio Pellegrino keddib 9 bilood oo uu kooxdaas hoggaaminayay.

Pellegrino ayaa dhankiisa sheegay in uu ka xunyahay natiijooyinka Mucjisada ah ee ay wajahday Southampton oo hadda ka mid noqotay kooxaha in ay heerka hoose u laabtaan looga Cabsanayo.

Southampton ayaa badisay 1 mar kaliya 17 kulan oo ugu dambeysay ee ay ciyaarto horyaalka waxayna ka mid yihiin 4ta kooxood ee ugu hooseeya horyaalka dalka England welibana horyaalka 8 kulan ayaa ka harsan.

Waxay doonayaan in ay ka fogaadaan 3da hoose, kuwaas oo horyaalka Labaad ee dalka England u laaban doona.

Waxay doonayaan macallinkii beddeli lahaa oo noqonaya midkii 5aad ee muddo 4sano gudaheed ah hoggaamiya naadigan, Axadda ayey ciyaari doonaan FA Cup quarter-final iyagooo macallin la’aan ah, ama soo magacaabay waxayna wajahayaan Wigan.

Marco Silva ayaa la rumeysanyahay in uu noqon doono macallinka Beddelaya, wuxuuna ka mid yahay Tababareyaasha sida wanaagsan u garanaya hoggaaminta Kooxaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.