Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Taageerayaasha Liverpool iyo Roma oo lacag u ururinaya Sean Cox .

Taageerayaasha Liverpool iyo Roma oo lacag u ururinaya Sean Cox .

Taageerayaasha Kooxaha Liverpool iyo Roma ayaa isku raacay in ay qabtaan bandhig wadajir ah oo lacag loogu ururinayo taageeraha Kooxda Liverpool ee lagu magacaabo Sean Cox ,kaas oo wali kooma ku jira.

Sean Cox ,waxaa jirdil u geystay taageerayaasha Roma lugta 1aad ee Tartanka Champions League sama finalkiisii,waxaana uu galay Koomo  uu ilaa hadda ku jiro.

Taageerayaasha labada dhinac ayaa Axadda waxaa ay isugu tagayaan Dublin ,halkaas oo ay ku qabanayaan bandhig deeq lacageed loogu ururinayo.

Waxaa ay taageerayaasha isbaheystay sheegeen in ay ugu talagaleen in ay meesha ka saaraan murugta heysata  Sean Cox  islamarkaana labada taageere ay isu qalbi fiyoobaadaan.

Emmet Kavanagh ,ayaa ururiyay lacag dhan  €87,000  iyaga oo u maray  GoFundMe Taageerayaasha  AS Roma ee Ireland,ayaa iyaguna ku daraya €500,waxaana la doonayaa in isku dar lacagtaas loo geeyo Sean Cox .