Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Taageerayaasha United oo boor ugu dhejiyay Ferguson garoonka Old Trafford.

Taageerayaasha United oo boor ugu dhejiyay Ferguson garoonka Old Trafford.

Taageerayaasha Kooxda Kubadda Cagta Manchester United ayaa soo sameeyay Boor cusub oo ay ku muujinayaan sida ay u taageersanyihiin tababaraha xanuunsan ee Sir Alex Ferguson.

Boorkan waxaa ku qoran “mid kasta oo naga mid ah waxaa uu jecelyahay Sir Alex Ferguson”,waxaana la suray Garoonka caanka ah ee lagu naaneyso masraxa Riyada.

Taageerayaasha Man United ayaa ballan qaaday in kulanka ugu dambeeya xagaagan ee berri ka dhacay Garoonka ay ku heesi doonaan qoraalka ku qoran Boorka si ay taageero ugu muujiyay Ferguson.

Waxaa ay Manchester United berri la ciyaari doontaa Kooxda Watford,waxaana ay taageerayaasheeda ballan qaadeen in ay heestii Gori Gori,ku beddelayaan hal heyska boorka ugu yaalla.

Ninkan ayaa dhawaan la dhigay Isbitaal kaddib markii qalliin dhinaca maskaxda ah la mariyay waxaana farriimo badan oo baroordiiq ah u diray bahda Ciyaaraha Caalamka.