Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Tababare Valverde oo shaaciyay sababta aysan uga badin Getafe

Tababare Valverde oo shaaciyay sababta aysan uga badin Getafe

Tababaraha Kooxda Barcelona  Ernesto Valverde ,ayaa ka hadlay bar barrihii xalay ay gurigooda kula galeen Kooxda Getafe ee Laligaha dalka Spain.

Ernesto Valverde,ayaa sheegay in Kooxdiisa ay aad u daallantahay islamarkaan inta lagu jiro Sanadkan cusub ay ciyaareen 12 kulan,taas oo uu sheegay in ay tahay dhibaato dhinaca jadwalka ciyaaraha ka heysta.

Waxaa uu sheegay in 39 maalmood gudahood ay Wiilashiisu ciyaareen 12 kulan,inkasta oo kulamadaas mid ka mid ah laga badiyay haddana horyaalka ayaa wali ay kooxda ku tahay mid aan laga adkaan.

Suarez,ayaa laga diiday gool iyada oo mid kalena uu ku khasaariyay goolyahaha kaddib amrkii ay labadooda is arkeen,waxaana Kooxda Barcelona tan iyo sanadka cusub ciyaareen 12 kulan.

Ernesto Valverde,waxaa uu sidoo kale sheegay in kulamo adag ay ku soo wajahanyihiin Kooxdiisa,ciyaartooydana ka muuqdo daal badan.

Kulan ka tirsan Champions League ayey la ciyaari doonaan Kooxda Chelsea ee ka socota England,iyada oo kooxdaas ay tahay midda kaliya ee Kooxaha England ee rikoor fiican ka heysata Barcelona.

Messi oo ah laacibka ugu muhiimsan Barcelona waligii gool kama dhalin Chelsea,waana sabab kale oo xiddigan uu sanadkan iska gaba gabeyn karo,xitaa gool ku laad loo dhigay oo uu qaatay Messi birta ayuu isaga dhuftay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.