Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Thiago Silva: ” ma hubo in Neymar sii joogayo PSG”

Thiago Silva: ” ma hubo in Neymar sii joogayo PSG”

Daafaca Kooxda PSG Thiago Silva ayaa shaki geliyay mustaqbalka Neymar ee Kooxda PSG iyada oo hadalka Thiago uu muujinayo xiriirka qarsoodiga ah ee Real iyo PSG.

Markii Sanadkii hore Neymar ku biiray PSG ayaa waxaa soo baxday in lacagta PSG ka bixisay Neymar ay qeyb ka mid ah bixisay Real Madrid oo dooneysa in xiddiggan ay gacanta ku dhigto.

Real ayaa warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay ku howllan tahay qaadashada Neymar iyada oo markii hore toos uga biya diidday in ay kaga doonato Barcelona hase ahaatee u mareysa Kooxda PSG.

Neymar waxaa uu beeniyay in uu xiriir la leeyahay Real Madrid,inkasta oo Madaxweynaha Real uu horay u sheegay in Neymar ay daneynayaan.

PSG iyo Real Madrid waxaa ay goradda isla geli doonaan 14ka Bishan oo ku beegan arbacada soo socota kulan ka tirsan lugta 1aad ee wareegga 16ka.

Neymar ayaa lacag dhan 222 Milyan ugu biiray PSG isaga oo ka tegay Barcelona sanadkii la soo dhaafay,waxaana hadda dhamaan tartamada sanadkan ee uu u ciyaaray PSG marayaa 27 gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*