Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Thierry Henry oo doonaya in Mo Salah uu ku guuleysto Gooldhalinta – basle sow ma adka in la garaaco Harry Kane?

Thierry Henry oo doonaya in Mo Salah uu ku guuleysto Gooldhalinta – basle sow ma adka in la garaaco Harry Kane?

Thierry Henry ayaa ku adkeysanaya in uu sugi la’yahay in uu arko Mo Salah oo ku guuleysta Gooldhalinta horyaalka England, balse Harry Kane in lagu garaaco ayuu u arkaa wax aad u dhib badan.

Liverpool weerarkeeda Salah ayaa bandhig lala yaabo sameeyay tan iyo markii uu kasoo dhaqaaqay Roma, wuxuuna dhaliyay 22 gool oo horyaalka ah Xagaagan.

Wuxuu hadda 1 gool ka hooseeyaa laacibka Tottenham ee Kane, oo hoggaanka u haya tartanka gooldhalinta, wuxuuna doonayaa in Sanadkii 3aad uu xiriir u qaado.

Manchester City laacibkeeda Sergio Aguero ayaa sidoo kale raadin doona 2 gool kaliya si uu usoo qabto Kane, keddib 4 gool oo uu dhaliyay Kulankii Toddobaadkan ee horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.