Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Torres oo gaaray 100 gool Laliga ah,mustaqbalkiisa

Torres oo gaaray 100 gool Laliga ah,mustaqbalkiisa

Weeraryahanka Kooxda Atletico Madrid,Fernando Torres ayaa waxaa uu xalay dhaliyay goolkiisii 100aad ee horyaalka Laligaha dalka Spain,waxaana uu ku biirayaa xiddigaha kulamada kooban ku gaaray 100 gool.

Xiddiggan ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxdiisa Atletico Madrid,waxaana intaas dheer in tababare Semone oo xiddiggan ku tilmaamay halyey ay leedahay Atletico Madrid.

Torres ayaa goolkiisii 100aad ku dhaliyay Garoonka cusub ee Kooxdiisa ee lagu magacaabo Estadio Wanda Metropolitano,waxaana ay u badan tahay in uu ku biiro Horyaallada Mareykanka ee MLS ama midka China ee Chanes Supper League.

275 gool ayuu xiddiggan ku gaaray 100 gool,waxaana uu ka mid noqday xiddigo sidan oo kale sameeyay in 100 gool ay ku gaaraan kulamo ka yar 300 kulan,waxaana ka mid ah.

  1. 1. Escudero 150
  2. 2. Luis 123
  3. 3. Campos 120
  4. 4. Garate 109
  5. 5. Torres 100.

Torres ayaa sheegay in inta uu ka dhamaanayo horyaalka goolkasta oo uu dhaliyo uu ula mid yahay munaasibad uu ku dabaaldego.