Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Tottenham oo shaacisay qiimaha Tikit-ka Garoonkeeda cusub

Tottenham oo shaacisay qiimaha Tikit-ka Garoonkeeda cusub

kooxda Kubadda Cagta Tottenham ee dalka England ayaa taageerayaasheeda u soo bandigtay qiimaha Tikitka Garoonkeeda cusub ee 62,000 qaadka ah.

Kooxdu waxaa ay sheegtay in qofkiiba laga siin doono Tikit-ka Garoonkeeda cusub lacag gaareysa £875,iyada oo shaacisay dhamaan qiimaha kala duwan ee lagu heli karo.

Tikidka ugu qaalisan Tottenham waxaa uu gaari doonaa £1,995,waana kooxda ugu Tikit-ka qaalisan Premier League England.

Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa shaacisay in ay qaadaneyso Ciidamo cusub oo ka mid ah halyeeyada hore ee howlgalka ah,kuwaas oo ay u qaadaneyso amaanka garoonka cusub ee ay ka dhisatay waqooyiga Magaalada London.

Garoonkan cusub ee 62,000 qaadka ah waxaa ay Kooxda ku ciyaaristiisa billaabi doontaa xilli ciyaareedka 2018 ilaa 2019,waxaana ay kooxda sidaas ku noqoneysaa Kooxda ugu tiikidhada qaalisan Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.