Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Turkiga oo qalab Ciyaareed ku wareejiyay Kooxda LL PP Jeenyo (Sawirro)

Turkiga oo qalab Ciyaareed ku wareejiyay Kooxda LL PP Jeenyo (Sawirro)

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya oo ay Wasaaraddiisu hoosto Kooxda Kubadda Cagta ee LL PP Jeenyo ayaa qalab ciyaareed ka guddoomay maamulka Magaalada Antalia ee Dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa dhowr mashruuc ka soo xiray maamulka magaaladaas oo ay ka mid tahay mataaneynta Muqdisho iyo Antalia,waxaana Mas’uuliyiinta Wasaaaradda ay Kooxda ka tirsan ee LL PP Jeenyo ka guddoomiyeen qalab Sports oo isugu jira boorarka tababarka,Kabaha lagui ciyaaro iyo Maaliyadaha Ciyaaraha.

Sidoo kale Mas’uuliyiinta Magaalaada Antalia ayaa ballan qaaday dhismaha Garoonka Kooxda LL PP Jeenyo ee Municipio.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Soomaaliya Saadaq Cabdullahi Cabdi ayaa qalabka ciyaaraha ka guddoomay Maamulka Magaaladaa Antalia ee Dalka Turkiga.

Kooxda Jeenyo ayaa sanadkii hore bur burtay iyada oo ay inta badan ka tageen ciyaartooydii ay ku caanbaxday tan iyo soo laabashadeedii 2011kii.

Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ayaa la wareegtay Kooxda iyada oo dib boorka uga jaftay islamarkaana hadda gacanta ku heysa maamulka kooxdaas.

kulankii ugu dambeeyay Jeenyo waxaa ay guul darro 2-0 ah kala kulantay Kooxda Horseed iyada oo xiddigo sanadkii hore Jeenyo u ciyaarayay ay hadda u ciyaaraan kooxaha kale ee horyaalka Somali Premier League.

No automatic alt text available.

Image may contain: 4 people

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Image may contain: shoes

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Image may contain: people standing and stripes

Leave a Reply

Your email address will not be published.