Home - CIYAARAHA CAALAMKA - UEFA oo ganaaxday Buffon

UEFA oo ganaaxday Buffon

Xiriirka Kubadda Cagta Qaaradda Europe ee UEFA ayaa ganaax garka u suray goolhayaha waayeelka ah ee Kooxda Juventus Gianluigi Buffon.

Gianluigi Buffon,ayaa lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay garsoore Michael Oliver,dhamaadkii ciyaar dhex martay Kooxaha Juventus iyo Real Madrid.

Guddiga anshaha ee UEFA ayaa sheegay in Buffan uu u gefay garsooraha kuna kacay fal ka manuuc ah kubadda Cagta.

Wxaa ay sheegeen in sidoo kale ay baari doonaan hadal uu Buffon warbaahinta siiyay oo uu ku sheegay in garsooraha uusan lahayn qalbi,sidoo kalena uu yahay mid aan wax naxariis ah ku jirin.

UEFA waxaa ku eedeeyeen Buffon in uu garsoorka ku xad gudbay sidoo kalena u gefay xeerarka kubadda Cagta ee UEFA,waxaa ay intaas ku dareen in tallaabooyinka laga qaadayo dib laga soo sheegayo.