Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Van Dijk oo xalay ku qaldamay qolka lebbiska ee Southamton

Van Dijk oo xalay ku qaldamay qolka lebbiska ee Southamton

Daafaca Kooxda Liverpool ayaa waxaa uu xalay sameeyay arrin yaab leh kaddib markii ciyaarta u dhaxeeyay Liverpool iyo Southamton dhamaatay ayuu xiddigan aaday qolka Lebbiska.

Hase ahaatee van Dijk,ayaa galay qolka Lebbiska ee Southamton,kaas oo ay ugu dambeysay wax ka yahan 50 Cesho,kaddib markii uu ku biiray Liverpool.

van Dijk,ayaa galay qolka Lebbiska ee Kooxdiisii hore waxaase ka celiyay oo ku toosiyay qolka lebbiska ee Liverpool qof ka mid ah shaqalaha Kooxda una sheegay in uusan hadda ahayn xiddig ka tirsan Southamton.

Xiddiggan ayaa guul darro u horseeday Kooxdiisii hore ee uu ka tagay Bishii December ee la soo dhaafay,waxaana kulanka kaddib isaga oo la hadlay warbaahinta sheegay in kulaabashadiisii kooxdiisii hore ay ahayd mid raaxo leh maaddaama uu guul ku gaaray.

Mid ka mid ah taageerayaasha Southamton ayaa booryar ku soo qortay “waxaad u dhalatay in aad u ciyaarto Southamton”,iyada oo la isu ekeysiiyay qaladka van Dijk ee qolka Lebbiska Southamton iyo sheekada ku qoran sawirka taageeraha da’da yar ee Southamton muujiyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*