Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Venus Williams oo walaasheed Serena Williams ka reebtay Tartanka Tennis-ka.

Venus Williams oo walaasheed Serena Williams ka reebtay Tartanka Tennis-ka.

Gabdhaha walaalaha ah ee ciyaara Tennis-ka ee Venus Williams iyo Serena Williams ayaa isaga horyimid tartanka Tennis-ka ee Indian Wells waxaana ay gabadha yar garaacday walaasheed ka weyn.

Serena ayaa lix bilood ka hor waxaa ay dhashay gabar,waxaana ay dib ugu laabatay ciyaaraha kaddib fool ay ku sheegtay geerida agteeda oo ay ka soo bad baadday.

Guuldarro ayaa loo geystay gabadha Tennis-ka nambarka 1aad ka ahaan jirtay ee Serena Williams,iyada oo hadda isaga hartay tartanka.

Waxaa lagu garaacay sed tiriskiisu gaarayo 6-3 6-4  ciyaar ka dhacday Gobolka  California ee Dalka Mareykanka.

Venus waxaa ay u gudubtay wareegga  16 waxaana ay is wajihi doonaan Gabadha lagu magacaabo  Anastasija Sevastova.

Leave a Reply

Your email address will not be published.