Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Vidic: “xiriir kama dhaxeeyo difaacyada Arsenal”

Vidic: “xiriir kama dhaxeeyo difaacyada Arsenal”

Nemanja Vidic,ayaa dhaliil u jeediyay daafaca dambe ee Kooxda Arsenal kaddib markii shalay guul darro 2-1 ah ay kala kulmeen Kooxda Newcastle oo ka carareysa in ay u laabato heerka 2aad.

Arsenal ayaa goolka la hor martay hayeeshee Kooxda Newcastle ayaa sameysay soo laabasho waanagsan waxaana ay labo iyo 1 ku dhufatay Arsenal iyada oo sidaas hadda uga baxday heerka dhicidda waxaana ay leedahay 41 dhibcood.

Nemanja Vidic,ayaa qaba in isku xirka Arsenal ee qeybta dambe uu yahay mid aan is heysan waxaana uu sheegay in sababtaas ay tahay qaladaadkii shalay ay galeen ee lagu ciqaabay.

Lix ka mid ah Ciyaartooyda Arsenal ayaa taagnaa qeybta dambe ee Arsenal markii uu goolka guusha ka dhalinayay Matt Ritchie,waxaana ciyaartooyda Newcastle ay ahaayeen saddex.

“Waxaad isu eegtaa saddex Ciyaaryahan oo weerar ah iyo lix difaac ah,sidee gool uga dhalin karaan,taas waxaa ay muujineysaa in uusan xiriir ka dhaxeyn ciyaartooyda dambe ee Arsenal”,ayaa laga soo xigtay Xiddiggii hore ee United oo hadda falanqeeye ah.