Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Wakiillada Atletico oo la hadlay Aguero
Soccer Football - Premier League - Manchester City vs Chelsea - Etihad Stadium, Manchester, Britain - March 4, 2018 Manchester City's Sergio Aguero Action Images via Reuters/Carl Recine EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details.

Wakiillada Atletico oo la hadlay Aguero

Wakiillo ka tirsan Kooxda Kubadda Cagta Atletico ee dalka Spain ayaa la sheegayaa in ay xiriir dhinaca Tilifoonka ah la yeesheen weeraryahanka reer Argentine ee Sergio Aguero.

Radio Marca ayaa baahiyay in wakiillada Atletico ay ka doonayaan Aguer in uu buuxiyo booska uu banneeynayo xiddigga lagu magaacabo  Antoine Griezmann,kaas oo la sheegayo in uu u batay dhinaca Kooxda Barcelona.

Aguero inta aanu ku biirin Man City ka hor waxaa ka tirsanaa  Kooxda Atletico Madrid, oo uu u saftay 175 kulan una dhaliyay 74 gool 5 xilli ciyaareed oo uu u dheelayay.

Waxaa uu isaga tagay sanadkii 2011kii,waxaa uu uga biiray Kooxda Man City,halkaas oo uu koobab kula qaaday kooxdiisa cuusb..

Hadda Atletico ayaa dooneysa in xiddiggan ay ceshato iyada oo marsiineysa waddadii Diago Costa ee Kooxda Chelsea isaga tagay kaddibna ay lacagaha badan dib ugala wareegtay.