Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA SOMALIDA - War aan Farxad Gelin taageerayaasha Jeenyo oo soo Baxaya, Muxuu yahay?

War aan Farxad Gelin taageerayaasha Jeenyo oo soo Baxaya, Muxuu yahay?

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in uu is casilay Tababarihii Kooxda LLPP Jeenyo Macalin Axmed Cabdiraxmaan Cumar(Gadaamow).

Macalin Gadaamow ayaa loo magacaabay Xilka Tababarenimo ee Kooxda Jeenyo bilowgii xagaagan, kaddib markii ay ku dhawaaqeen saraakiil ka socota Wasaarada Howlaha guud ee Xukumada Soomaaliya in mushaarka Kooxda ay bixin doonaan, kaddib markii qaar ka mid ah Xiddigihii ugu caansanaa Kooxda ay isaga tageen dhaqaalo dari soo wajahday awgeed.

Image may contain: 2 people, people standing

Macalin Axmed Cabdiraxmaan Cumar (Gadaamow) ayaa la sheegayaa in uu warqadda is Casilaadda u gudbiyay maamulka sare ee Kooxda Jeenyo, kaddib markii ay timid khasaarihii shalay kasoo gaaray hogaamiyayaasha Horyaalka ee Dekedda oo kaga adkaatay 3-0.

Si kastaba ha ahaatee Macalin Gadaamow ayaa Afartii kulan ee u danbaysay la kulamay laba guul daro, hal barbaro iyo hal guul, xilli Kooxdiisa ay hada fadhiso booska Lixaad ee kala saraynta Horyaalka, waxayna leedahay 13-dhibcood, kulamo 13 ah oo ay Ciyaartay kulamada horyaalka ee Sanadkan.

Gadaamow ayaa horay hoggaamiye uga soo noqday Naadiga Heegan, taasoo uu la qaaday horyaalka Dalka, isla markaana u suurageliyay in ay ciyaaraheeda horyaalka u ciyaarto sida ugu wanaagsan, waxaana loo arkaa in uu yahay mid ka mid ah macallimiinta dhismaha kooxaha aadka ugu wanaagsan.