Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Wasiir Spanish ah oo illaaway magaca Europe League!

Wasiir Spanish ah oo illaaway magaca Europe League!

Wasiirka Waxbarashada,Dhaqanka iyo Ciyaaraha Dalka SpainInigo Mendez de Vigo, ayaa shalay illaaway magaca tartanka Europe League ee ay ciyaarayaan Merssele iyo Atletico Madrid.

Wasiirka ayaa waxaa uu u hambalyeynayay Kooxda Atletico Madrid oo tartankaas finalkiisa ciyaareysa,waxaa uu ka hadlayay sida loo qorsheynayo bandhigyada ciyaaraha ee Kulankaas dhinaca dalka Dalka Spain.

Waxaa uu sheegay in Kooxda Atletico Madrid ay la ciyaareyso Kooxda Reer Frnace ee Marseille,waxaase uu yiri “Atletico waxaan u rajeynayaa guul kulanka ay la ciyaareyso Marseille ee ka tirsan Europe, kee?”.

Waxaa uu Wasiirka lumiyay magaca Europe League waxaana shaqaalaha la taagnaa ay u sheegeen in magaca tartanka oo ah Europe League.

Warbaahinta Dalka Spain ayaa aad u hadal heysa saaka arrintan,iyaga oo cinwaan uga dhigay Wasiir illaaway magaca tartanka Europe League.