Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Wasiirka amniga oo sheegay in Garoonka Stadium Muqdisho lagu ciyaarayo mardhow.

Wasiirka amniga oo sheegay in Garoonka Stadium Muqdisho lagu ciyaarayo mardhow.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Garoonka Stadium Muqdisho mardhow lagu ciyaari doono noocyada kala duwan ee ciyaaraha.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Ciidanka AMISOM ay kala wareegayaan Garoonka Caalamiga ah ee Stadium Muqdisho.

Waxaa uu intaas ku daray in Garoonka Stadium Muqdisho  dib u billaabayo howlihiisii ciyaaraha ee caalamiga ahaa.

Ciidanka AMISOM ayaa 11 Sano  deggan Garoonka Ciyaaraha kala duwan ee Stadium Muqdisho,iyada oo ka horna ay degganaayeen Ciidamadii Itoobiya ee ka baxay dalka.

Xiriirka Kubadda Cagta ayaa dhowr jeer sheegay in AMISOM ay kala hadleen sidii Garoonkaas dib ugu billaaban lahaayeen ciyaarihii lagu yaqaannay.