Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Wenger: “Lacazette wuxuu ka naxay imaanshaha Aubameyang”

Wenger: “Lacazette wuxuu ka naxay imaanshaha Aubameyang”

Tababaraha Reer France ee Kooxda Arsenal Arsen Wenger ayaa ka dhex billaabay xifaaltan dhinaca safka 1aad ah Ciyaaryahannada Weerarka uga ciyaara ee France iyo Gabon u kala dhashay.

Wenger oo ka hadlayay sababta uu keydka u geliyay Lacazette kulankii Tottenham,ayaa sheegay in Aubameyang la barayo la qabsiga kooxda maaddaama Lacazette uu Sanad joogo.

Wenger ayaa la weydiiyay sababta weeraryahanka Reer Frnace ugu fashilmay in uu boos joogta ah ka helo weerarka Gunners kaddib imaanshaha Aubameyang,waxaana tababare Wenger uu ku jawaabay “Lacazette waxaa uu ka naxsan yahay imaanshaha Aubameyang”.

Waxaa uu sheegay in kaddib imaanshaha Aubameyang ee Arsenal uu Lacazette waayay kalsoonida islamarkaana niyad jab muujinayo hadda.

Lacazette ayaa fursad uu Arsenal bar barro ku siin karay kulankii Tottenham helay kaddib markii isaga iyo gool hayaha la istusay.

Beddel ayuu ku soo galay isaga halka Aubameyang lagu soo billaabay waxaana Arsenal ay kulankaas dhaafi weysay hal gool oo bartilmaameed ahaa halka iyada lagu helay 6 bartilmaameed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*