Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Wolves oo u soo dallacday Premier League

Wolves oo u soo dallacday Premier League

Kooxda Kubadda Cagta ee Wolves  ayaa ka mid noqotay kooxaha sanadka dambe ka ciyaaraya horyaalka Premier League kaddib markii ay ku guuleysatay horyaalka heerka labaad ee  Championship.

Wolves waxaa ay shalay 2-0 ku garaacday Kooxda Birmingham,iyada oo kaliya hal dhibic u jirtay in ay u soo dallacdo heerka labaad ayey guul ka gaartay Kooxdan sidaas ayeyna ku dabaal degeen.

kooxda ugu horreysa ee ay beddeli doonaan ayaa ah Kooxda WBA oo xalay ka badisay Man United hayeeshee inta dhiman haddii ay badiso kooxaha kalena badiyaana aysan waxba ugu oollin.

Sidoo kale Kooxaha Cardiff iyo Fulham ayey u badan tahay in ay noqdaan kuwo ku soo biirya Premier League,waxaana kooxahan ay horyaalka moog yihiin muddo dhowr Sano ah.