Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Xaaska Morata oo sir fakisay!

Xaaska Morata oo sir fakisay!

Xaaska weeraryahanka Kooxda Chelsea ayaa fashilisay hadal todobaadkan uu sheegay tababaraha Kooxda CHelsea Antonio Conte kaas oo sheegay in xiddiga uu dhaawac kale ka gaaray aqawga sidaas darteedna uusan ciyaari karin kulamada soo socda.

Arrintaas waxaa beenisay xaaska Avaro Morata oo Baraha bulshada ku faafisay muuqaal muujinaya in odageeda uu aad u caafimaad qabo hayeeshee uu tababaraha u diiddan yahay Garoonka.

Xaaska Morata oo lagu magacaabo Alice Campello,ayaa baraha bulshada ku baahisay muuwaalka iyo sawirrada Morata oo iyada Xambaaraya sidoo kalena dheelsiinaya.

arrintaas waxaa ay shaki badan ka dhex abuurtay Warbaahinta iyo Conte iyada oo hadda lahadal hayo in xiriirka Conte iyo Morata uusan wanaagsaneyn.

Conte ayaa lagu eedeeyay in ciyaaryahanka ay is qalbi gaaraamba uu keydka ku cabo warbaahintana u sheego in uu dhaawac yahay.

Conte waxaa uu horay keydka ugu cabay David Luiz oo uu sheegay in uu muddo dheer dhaawac ahaa taas oo markii dambe beenowday waxaan arrintan u muuqataa in wadaddii uun ku socoto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.