Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Xiddigaha Barcelona oo ku kala qeybsamay soo laabashada Neymar

Xiddigaha Barcelona oo ku kala qeybsamay soo laabashada Neymar

Ciyaartooyda Kooxda Kubadda Cagta Barcelona ee Dalka Spain ayaa ku kala qeybsamay in kooxdaas uu ku laabto Neymar iyo in kale.

Xiddigga Neymar ayaa dhawaan u sheegay PSG in uu doonayo in uu ku laabto Kooxdiisii Barcelona ee uu ka tagay xagaagii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah xiddigaha Kooxda Barcelona ayaa soo dhaweeyay in Neymar ku laabto Barcelona iyada oo kuwo kalena ay iska diideen,waxaana ay kala qeybsanaan ka dhex abuurtay xiddigaha Kooxda.

Barcelona ayaa beddelka Neymar u iibsatay xiddigaha kala ah Dembele iyo Coutinho,waxaana ay u badantahay in uusan ku laaban.

Xiddigaha taageeray kulaabasha Neymar ee Barcelona waxaa ka mid ah  Ivan Rakitic iyo  Philippe Coutinho,iyada oo xiddigihii hore ee Barcelona sida Iniesta,Messi iyo Bique ay aad uga soo horjeedaan arrintaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published.