Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Xiriirka Laligaha Spain oo shaaciyay garoonka marti gelinaya finalka Copa del Rey

Xiriirka Laligaha Spain oo shaaciyay garoonka marti gelinaya finalka Copa del Rey

Xiriirka Kubadda Cagta Dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday Garoonka lagu ciyaari doono kulanka ugu dambeeya ee Copa del Rey oo ay kama dambeystiisa isugu soo hareen Kooxaha Barcelona iyo Sevilla.

Garoonka Kooxda Kubadda Cagta ee Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano,ayaa loo doortay marti geliyaha kulanka ugu dambeeya koobka boqorka Dalka Spain.

Garoonkan waxaa la furay bishii September ee Sanadkii la soo dhaafay waxaana 21ka Bisha April ee sanadkan ka dhici doona kama dambeysta Koobka Boqorka Dalka Spain.

Sidoo kale Garoonkan waxaa uu Sanadka 2019ka marti gelin doonaa kulanka kama dambeysa ah ee Koobka UEFA Champions League.

68,000 oo Qof ayuu qaadaa,Garoonka Kooxda Atletico Madrid ee Dalka Spain,waxaana uu hadda ka mid noqday Garoomada ugu waaweyn dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*