Wararkii U Dambeeyay
Home - CIYAARAHA SOMALIDA - Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo maanta u Safray Dalka Burundi “Sawirro”

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo maanta u Safray Dalka Burundi “Sawirro”

Xulka Kubada Cagta Dalka Soomaaliya ee Da’doodu ka yartahay 17-ka sano oo saakay Muqdisho ka Dhoofay,ayagoo ku sii jeeda Burundi.

Xulka kubada cagta ee Somaliya 17 jirada ayaa dalka Burunddi ugu qaybgalaya tartanka Cecafa ee 17 jirada.

Xulka ayaa bilooyinkii ugu danbeeyay,waxa ay ku xareesanaayeen garoonka Jaamacadaha ee Muqdisho.

Xulka ,waxaa sanadkaan laga soo xulay koobkii Scholada ee uu sanadkii hore uu xiriirka Somaliyed ee kubada cagta ku qabtay Magalada Muqdisho.

Ciyaarayahanada xulka matalaayo sanadkana,waxaa ka mid ah Abdirashiid oo laga soo xulay Banaadir Zone,Farxaan oo laga soo xulay Gaadiika ,C.Wali,xamze oo laga kala soo xulay Dekeddaha iyo Jeenyo.

Waxaa sidoo kale xulka ka mid ah Ismaaciil oo ah laacib laga soo xulay taratnkii qaxootiga ee Muqdisho lagu qabtay sanadkii hore.

Kabtankii xulka Somaliya ee 11 jirada ee Cismaan Salaad ayaa ka mid ah xulka 17 jirada ee Sanadkaan.

Xulka qaranka Somaliya ayaa ku jira  group A oo ah Gurubka ug adag tartankaan,waxaa Somaliya ku wehliya xulal ay ka midyihiin.

Somalia

Ethiopia

Burundi

Kenya

Kulankeena ugu Horeeyo aan la ciyaari doono Dalka Ethiopia sabtida 14 April

Insha Allah sandkaan wxaan u rajeenaytaariikhi Ah.

Ciyaaryahanada 17 jirada ee xulka qaranka Somaliya,waxa ay bilooyinkii ugu danbeeyay ku xareesanaayeen Garoonka jaamacadaha ee Muqdihso,ayadoo ay tababarka wadeen subax iyo Galab.