Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo dhoweynayo

Xulka 17-jirrada Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo dhoweynayo

Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirrada Soomaaliya ayaa waxay goordhow kusoo wajahanyihiin Muqdisho, iyadoo Safarkooda uu qeyb ka yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed.

Waxaa Caasimadda ka socota Qabanqaabada soo dhoweynta Ciyaartoydaas, waxaana ka qeyb qaadan doona soo dhoweyntooda Ra’iisul Wasaare Kheyre sida ay wararka qaar sheegayaan.

Ciyaartoyda Muqdisho lagu soo dhoweynayo waxay kaalinta 2-aad ka galeen Koobka Dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, kaasoo Sanadkan ay la tagtay Tanzania.

Somalia ayaa Ciyaartii Finalka Koobkaas waxay la qaadatay dhiggeeda Tanzania waxaana lagu kala Baxay 2-0 oo Soomaaliya looga adkaaday ciyaartii Kama dambeysta, xulka Uganda ayaa kaalinta 3aad ka galay koobka Kenya ayaana ku dhammeysatay kaalinta Afaraad.