Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirrada oo maanta wajahaya Dhiggooda Uganda

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirrada oo maanta wajahaya Dhiggooda Uganda

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaari doona dhiggiisa, dalka Uganda iyadoo ciyaartoyda 17-jirrada Qarankeenna ay galabta ciyaar xiiso badan kula qaadan doonaan garoonka Ngozi ee magaalada Bujunbura.

Kulankaas waxay xulka Qaranka Soomaaliya diyaar garow ugu jiraan in ay ku aadaan finalka koobka, haddii ay guuleystaan.

Somalia Un17 xiddigahoodu waxay kasoo gudbeen Guruubka iyagoo wata 7 dhibcood, xilli ay soo garaaceen xulka Kenya oo ay 1-0 uga badiyeen, sidoo kale habka dhibca soo celinta Sharciga ah ayey Itoobiya uga heleen 3 dhibcood iyo 3-0, maaddama xiddigaha Itoobiya lagu helay in ay ciyaarsiiyeen xiddigo ka weyn da’da tartanka loogu talagalay.

Sidoo kale xulka koobka Martigelinaya ee Burundi ayey 0-0 kula garab dhaceen, taasoo la macno ah in ay ahaayeen xulka Guruubka ugu sarreeyay.

Kulamada maanta oo Arbaco ah la ciyaari doono ee CECAFA cup un17

Somalia VS Ugand 25-04-2018-Arbaco-Ngozi Stadium

Tanzania VS Kenya 25-04-2018-Muyinga Satdium