Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Zidane oo 100 guul la gaaray Real Madrid

Zidane oo 100 guul la gaaray Real Madrid

Tababaraha Kooxd Real Madrid  Zinedine Zidane,ayaa kooxdiisa la gaaray 100 guul intii uu tababaraha u ahaa,waxaana NInkan la magacaabay Sanadkii 2016kii.

Waxaa uu safka hore uga jiraa Tababarayaasha Taariikhda wanaagsan ka sameeyay kooxda isaga oo boqolleyda guulaha uu gaaray ay ka dhigan tahay 72%.

Guulaha ugu badan Zidane waxaa ay ka yimaadeen Laliga Spain,waxaa uu guuleystay 66 kulan,99 kulan oo laliga ah oo uu leyliyay Real Madrid , 15 kulan ayuu bar barro galay halka 9na laga badiyay.

20 kulan ayuu guuleystay tartanka  Champions League 30 kulan oo uu ciyaaray,waxaa uu bar barro galay 6 kulan halka afarna laga badiyay.

Lix kulan ayuu guuleystay,afar bar barro ayuu galay halka laba jeerna laga badiyay tartanka Copa del Rey, ee dalka Spian,waxaana uu halkaas ka heystaa boqoolley gaareysa 50%.

Kaliya Jose Mourinho, ayaa ku dhow Zidane kaas oo guulahiisa Real Madrid intii uu tababaraha ka ahaa boqolley ahaan ay gaarayeen 71,9%.

Maurinho waxaa ka sii hooseeya Ninka ugu waqtiga dheer ee Tababara Real Madrid,waxaana uu Ninkaas yahay Miguel Munoz,kaas oo 59.5%  ka heysta guulaha Real Madrid, Sidoo kale Tababare Vicente del Bosque uu heystaa 54.5%