Home - CIYAARAHA CAALAMKA - Zidane oo doonaya in Sanadkan uu ku dhammeysto 15 qurux badan, maxay kula tahay in laga wado?

Zidane oo doonaya in Sanadkan uu ku dhammeysto 15 qurux badan, maxay kula tahay in laga wado?

Girona ayaa noqon doonta kooxda ugu horreysa ee ay la ciyaarto Real Madrid dhammaadka Xagaagan, Zinedine Zidane ayaana la filayaa in uu 100% bandhig ah oo aan guuldarro laheyn uu ku dhammeysto 15-ka kulan ee u harsan.

Waxay intaas kooxda Los Blancos ciyaari doontaa kulamo badan, waxayna ugu yaraan doonayaan Champions League final.

Ma aha wax cidna ka qarsan in ay xagaay aan wanaagsaneyn ku billaabatay kooxda, waxayna heysteen difaac ka mid ah kuwa ugu liita dhanka kooxda horyaalka Sanadkan.

Waxay qaadeen horyaalka Sanadkii 2016/17, kooxda Caasimadda ayaase hadda 15 dhibcood ka hooseysa Barcelona.

Markan waxaa muuqata soo kabasho ay sameyneyso kooxda Zidane wuxuuse sheegayaa in ay isku dayi doonaan hanashada Champions League mar kale.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.